Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab oo Tababar heerkiisu sareeyo loo soo xiray+Sawirro

Muqdisho:-Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, waxaana ciidankaan tababarka usoo xiray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage.

Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dawladda Mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin ka tirsan kumaandooska Danab, iyaddoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.

Waxay soo bandhigeen Ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay ka mid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadayo cadawga argagixisada Al-Shabaab.