TPLF oo Oodda Ka Qaaday Kumannaan Ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo ay Haysteen.

MAKELLE:-Siyaasiyiinta jabhadda TPLF ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay sii daayeen in kabadan afar kun oo askari oo maxaabiis ahaan u haysteen.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen taliska waqooyi ee ciidanka laakiin la xiray markii ciidamada Tigreega ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah.

Isniinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu cadeeyay in militariga ay dagaalka ku guuleysteen balse siyaasiyiinta TPLF ayaa sheegay in ay dagaalamayaan.

Ka hor inta uusan dagaalku bilaaban militariga waxay saldhig ciidan ku lahaayeen waqooyiga Itoobiya kuwaasoo ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka.

Markii dagaalyahanada Tigreegu si lama filaan ah u weerareen saldhiga weyn ee dagaalka kiciyay, kumaan kun oo ka tirsanaaa milatariga oo aan Tigray ahayn ayaa isu arkay in ay ku sugnaayeen goob cadaw. Waxaa xiray fallaagada TPLF haseyeeshe haatan waa lasii daayay.

Warbaahinta dowladda ee ku sugan caasimadda Addis Ababa ayaa xaqiijisay in la sii daayay ugu yaraan saddex kun oo askari.

Waxay soo werisay in qaar ka mid ahi yihiin ciidamada Tigreega oo diidey iney dagaalamaan, waana warbixin ay u badan tahay in kooxda TPLF ay gaashaanka u daruurto.

Dhanka kale maamulka TPLF ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ee Axum isla markaana ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa isna sheegay in ciidamadiisu ay dagaal kula jiraan militeriga Itoobiya meel u dhaw caasimadda Mekelle.

Mudane Abiy wuxuu baarlamaanka u sheegay in hal qof oo rayid ah aan lagu dilin howlgalka militeri ee bisha ku dhawaadka ah ka socda Tigray, waxaana hadalkaas si weyn uga hor yimid madaxda Tigray.