Falanqaynta doorashada Soomaaliya: “Waxaa noo muuqata khatar weyn haddii doorashadu dib u dhacdo”

Sida uu dhigayey jadwalka doorashada ee dalka Soomaaliya, maanta waxa ay ku beegantahay 1-da -ilaa iyo 10-ka December waxaa loo qorsheeyey iney billaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka Soomaaliya, balse weli waxaan dhicin howlihi ka horreeyey sida soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka iwm.

Doorashada Aqalka Sare xilligi la qorsheeyey ma aysan dhicin maadaamaa weli lagu muransan yahay guddiga dorashooyinka iyo qodobbo kale oo salka ku haya doorashada 2020/21.

Haddaba Senetor Xuseen Shekh Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka labada aqal ayay BBC-du weydiisay sababta dib dhaca ku yimid jadwalka doorasha laagu soo dooran lahaa mudanayaasha aqalka sare ay?

“Waxaa keenay dib u dhaca doorashada dabcan, isfahan la’aan ka dhacay qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii doorashada, gaar ahaan dhaw arrimood oo taagtaagnaa iyo guddigii la soo magacaabay oo qar ka mid musharrixiinta doorashada madaxtinnimada ay walaac ka muujiyeen ayna diideen ayaa keenaysa iyo dhawr arrimood oo kale oo ay ka mid yihiin, arrinta Gedo, xildhibaannada Gobollada Wqooyi sida lagu keenayo guddiyadooda iyo arrimo la xidhiidha ayaan isleeyahay in dib u dhacaas ay keeneen”

Dib u dhaca iyo sharci ahaan

Dhanka kale waxaa la is weydiin karaa haddiiba ay dhacdo oo muddo xileedkoodi sidaa ku dhammaado iyada oo aan doorasho dhicin sharci ahaan ma sii joogi karaan? Oo ma ahaan doonaan senatarrada Aqalka Sare ee Soomaaliya!

Senetor Xuseen ayaannu isla su’aashaasi u bandhignay oo weydiinnay waxa d astuurka iyo sharcigu ka qabo haddii sidaasi dhacdo.

“Qorshahan wuxuu ahaa in maanta ay bilaabto 27-ka dcember-na ay dhammaystirnaadaan xildhibaannada aqalkani tani waxa ay u muuqataa in ay dib u dhacayso. Sharcigaa kala guurka ah ee doorashada dadban lagu aadayo ee aannu ansixinnay waxaa lagu daray in inta baarlamaan cusub laga dhaarinayo ama madaxweyne cusub la samaynayo hayadaha dawladda ee sii jirey ayaa sii shaqaynaya, haddiib dib u dhac yimaaddo”

.

Datuurka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya waxaa ku qoran in muddo xileedka senatarrada aqalka sare uu yahay afar sano, asee waxa ay u muuqataa in dib u dhac imanayao

Dadka qaar ayaa walaac ka qaba sheegayana in aanay suuragal ahayn in doorashada Soomaaliya ay wakhtigeedii ku qabsoomi karto, maadaama durba xaalka u muuqdo in hawlihii bilawga ahaaba dib u dhaceen sidaana loogu qasbanaan doono muddo dheeri ah

Saamaynta ka dhalan karta haddii doorashadu dib u dhacdo?

Musharrixiinta xisbiyada Mucaaradka ayaa maalmihii u danbeeyeyba ka walaacsanaa habka doorasho ee dalka ka qabsoomi karta iyaga oo daadeefeeyey guddidayada doorasho ee hadda dhisan.

Dhinaca kale C/rashiid Xaashi oo ka tirsan machadka cilmibaadhista Heritage ayaan u bandhigay su’aalo ay ka mid yihiin saameynta ka dhalan karta dib u dhaca jadwalka doorashada iyo wakhtiga hadhsan in ay howlaha doorashada lagu dhammayn karo iyo in kale.

Cabdirashiid ayaa ku doodaya in ay laba mid uun bay noqonayso, in sidaa lagu gaadho iyada oo aan doorasho dhicin oo ay marka ay dhammaato ay dhacaan doorashooyin kala duwan oo dhinacyo kala duwani qabsadan ama beesha caalamka soo dhex galaan oo xaalka isusoo dabbaalaan.

“Haddii sidan wax ku sii socdaan wakhti lumis badan iyo kala irdhaw ayaa dhici kara.. Baarlamaan wakhtigiisi dhammaado oo xilli firaaqo ahi dhacana khatar weyn baa noo muuqata” ayuu yidhi Cabdirashiid.

“Waxaan ka cabsi qabaa in la isku dhaco oo dhibaatooyin dhacaan, heerkulka siyaasadeed ee Soomaaliyana bilahan wakhti uu kulul yahay anigu ma arag”

.

Qodobbadii doorasho ee lagu heshiiyey kal hore

  • In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  • In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
  • In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
  • In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  • In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
  • In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  • In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
  • in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
  • Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  • In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  • Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
  • Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
  • Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
  • Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
  • Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.
Xigasho:BBCSomali