Dumar & Rag lagu kufsaday Xabsiyada Somaliya.(Aqoon iyo Xog wadaag.)

Waa muhim in Taariikhda wax laga ogaado si eyna u soo noqon dhacdooyinkii hore u dhacay ee sababay Burburkii Dowladnimdii Dalka.
War bixinadda ku saabsan Sirta Qaranka iyo Dagaalada Caalamka oo dhan, Hore lagama ogalaado in lala wadaago Bulshada inta ey noolyihiin Dadkii ku lugta lahaa, waxaa la sugaa badanaa 15-40 Sanno ah, kadib ayaa lala wadaagaa, si Taariikh ahaan iyo Cilmi ahaanba ey uga faa’iidaan Jaamacadaha, Heyadaha Cilmi baarista, Taariikh ururiyayaasha, iyo Bulshaduba.
Haddii aan soo Koobno Qeyb ka mid ah Xogtii laga ururiyay Somaliya Sannadkii 1988 . ” PLO41- DOS declassified -Cable- USA” . waxaa ka mid ahaa:
1.Tixraac. Document Number 1988 Mogadishu 12222.Page.1, ( F.S: 1aad). Sida laga hubiyay Baro Caafimaad, NSS iyo Ciidankii Koofiya Castu waxa ey Maxaabiista u geeysan jireen Jirdil, sida: Biyo lagu dhax kudo, Koronto lagu gubo jirkooda, Xabsi gooni ah oo Maxbuusku kaligii muddo dheer ku jiro, Si xun oo loo garaaco, Middiyo lagu sar saro Jirkooda, iyo in la kufsado ” Dumarka & Ragga ” si loo karaama tiro, loona ihaaneysto Qofkaa .
Dhaawacyada loogu geeysto Xabsiga oo aan nadiif aheyn ayaa sii bukado Xabsiga kadib, Badanaana waxaa ku dhaco Maxaabiista Xanuunka Kilyaha.
2.Tixraac. Document No.1988 Mog. Page.7 & 3aad. ( F.S:2aad).Maxkamaddii Badbaadada Qaraku waa diiday in ey keento cadeymaha Siyaasiyiintii lagu xiray Xabsi ilaaladiisa aad loo adkeeyay, Maxaabiistaa waxaa loo diiday in ey la kulmaan Eheladooda iyo Qooysaskooda, iyaga oo si kali Kali ah loogu xiray Qolal aad u yar yar Caafimaad ahaana aan wanaagsaneyn.
Pragraph-ka 2aad ayey ku qoran tahay Xarig iska soo xir Dambi la’aan ah, Xabsi iyo Masaafurin. Inkasta oo sharciga Dalku qorayo Xuquuqda Muwaadinka sida in Muddo gaaban Maxkamad lagu hor keeno, taasi ma dhicin, kadib markii lagu bedelay Xeerka Ciqaabta Somaliyeed Law 54 ee 1970.
Tirada Maxaabiista Siyaasadeed ee Somaliya lama yaqaan, taa oo Kumanyaal gaartay markii Dagaaladu ka bilaawdeen Gobalada Waqooyi, oo la xirxiray Dad u badnaa Gancsato Hantidoodii lagala wareegay, Saraakiil xilalkii laga qaaday, iyo Dhalinyaro la iska xir xiray.
3. Tixraac, Document. No. Mog.12222, page.10aad. ( F.S: 3aad). Baaritaankii wafdigii. a) US National Agency of Science. b) the Canadian Centre for Investigation and prevention of Torture. c) Amnesty International ee Dacwadii Eng. Suleyman Nur Cali, oo isaga oo aan Dambi leheyn lagu xakumay Dil toogasho ah, kadibna Xabsi daa’im loogu bedelay.
4.Tixraac, Document No.Mog.12222, page.9aad. ( F.S: 4aad). NSS waxa ey Dadka soo Xiri kareen ” Warrant” la’aan, dhaqdhaqaaqa ayey la socon kareen, Warqadaha “Post” ayeey furi kareen si aan Sharci aheyn. Dagaaldii Gobaldda Waqooyi oo waqtigaa xoogeystay, Dadka ayey si ula kac ah u xiri jireen, si ey Qaraabadooda Lacag uga qaataan. XHKS ayaa diyaari jiray isku soo baxyo Taageero Dowladeed oo khasab ah.
5. Tixraac, Document No. Mog.12222, Page 7aad, ( F.S: 5aad) Markhaati looma baahneyn in la hor keeno Maxkamadda, law No.54 ee 1970 ayaa Ficilada ku xalinayay Xukun Dil ama Xabsi daa’im ah.
Dhacdooyinka war bixintaan lagu soo koobay, waxaa jiro Dad badan oo hadda nool oo soo Maray Ciqaabtaa kana hadlay. waxaan rajeeynaa, in la dhoowro Sharciga iyo Xuquuqda Muwaadinka Somaliyeed si eynan mar kale noogu dhicin Qaran Burbur.
FG: Qoraalkaan Taariikhda ah, ha u macneeyn mid Siyaasadeed, Xog wadaaga Aqooneed iyo Arrigti is dhaafsiga Taariikhdu Dambi ma ahan. Wixii aan ka khalday iga sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir