Ciidanka Booliska oo ka hortagay nin miino ku aasay degmada Warta-nabada,

Ciidanka amniga ee ka howl gala degmada warta Nabadda gaar ahaan waaxda horseed laanteeda Nationka ayaa xalay abaare 1:15am ku guuleyste in ay ka hortagaan dhagar qabe ka tirsan maleeshiyada alshabaab oo doonaayey in uu miino ku aaso halkaasi si uu waxyeeleeyo u gaarsiiyo shacabka.

Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in ciidanka ka war heleen shirqoolka dhagar qabahaasi, lana dilay ka dib molkii uu isku dayey in uu ka baxsado goobtaasi.