Adeegyada caafimaad oo gabaabsi ka ah Isbitaalka magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya

Adis-Ababa:-Isbitaalka ugu weyn magaalada Mekelle ee xarunta ismaamulka Tigray ee dalka itoobiya ayaa waxaa gabaabsi ka ah daawooyinka iyada isbitaalka la keenay dhaawacyo badan.

Isbitaalkan oo lagu magacaabo Ayder ayaa joojiyay adeegyada kale ee caafimaad, waxaana shaqaalaha iyo daawooyinka haray la isugu geeyay qaybta xaaladaha deg degga ah halkaas oo dhaawacyo badan la keenayo.

Madaxa ICRC ee dalka Itoobiya  Maria Soledad,oo booqatay Isbitaalka ayaa sheegtay In daawooyinka ay ka mid yihiin antibiotics, anticoagulants, xanuun baabi’iyaha iyo gloveska ama gacmi gashiga ay sii yaraanayaan.

Sadax isbuuc oo ay Mekelle go,doon ahayd islamarkaana ay dagaalo ka socdeen waqooyiga itoobiya ayaa sababay in isbitaalka daawooyinkii gaari waayaan.

Gaadiidka gurmadka ayaa dhaawacyo badan ka keenaya deegaannada ku xeeran magaalada Mekelle