TPLF oo markale gantaallo ku duqaysay magaalooyin ka tirsan Eritrea.

Asmara:- Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asmara Dekemehari, Gemehalo iyo Nefasit ee dalka Eritrea.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u muuqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid, mana jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iminka la sheegay.

Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa muwaadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bixin, waxaana ay safaaraddu ay bogeeda internetka ku qortay in qarax laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Dowlada Eritrea wali wax war arrintan kuma soo saarin, waxaana falkan uu daba joogaa labo isbuuc ka dib markii sidan oo kale maleeshiyaadka TPLF ay sheegteen 3 gantaal inay ku rideen magaalada Asmara