Faahfaahin ka soo baxeysa qaraxii xalay lala eegtay Maqaayad ku taalla meel u dhow Isgooyska Lambar Afar.

MUQDISHO:- Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo Xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Isgooyska Lambar Afar gaar ahaan ka soo horjeedka Sahal Terminal.

Xalay abaare 8-dii habeenimo qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayadda Gelato Devino, waxaana ka dhashay khasaare isku jiray dhimasho iyo dhaawac.

Inta ka xaqiijiyay ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay qaraxa halka in ka badan 10 qof ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay Hay’adda gargaarka degdegga ka shaqeysa ee Aamin Ambluence.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geerida dadkii xakay ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada” ayuu yri Ra’iisal wasaare Rooble.