Maareeyaha Dekadda Muqdisho “Hadda Waan Caafimaad qabaa, waana ka badbaaday qaraxii lala eegtay..”

Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay lagula eegtay qeyb kamid ah degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa la maqlay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa gaariga uu saarnaa Maareeye Axmed Waashitoon lagula eegtay, xili uu marayay Isbitaalka Laansaleyti ee Isgoyska Miranaayo ee Cabdicaiis, isagoona ka badbaaday qaraxaas.

Axmed Washington ayaa sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.

Waxaa uu sheegay Maareeye Axmed in laba kamid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaawac soo gaaray, maadaama ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqoanta, waxaana mid kamid Askarta qeyb uu ka jabay jirkiisa.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa shaki geliyay inay jiraan dad kale oo shacab ah oo qaraxaas waxyeelo kasoo gaartay, isagoo tilmaamay in durbo markii uu dhacay qaraxa ay ku mashquuleen Askartiisa dhaawacantay.

Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon ayaa kusoo aadayaa, iyadoo xalay Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.