AMISOM oo soo gabagabeysay tababar loo qabtay Odayaasha Dhaqanka K.Galbeed.

Maamulka qeybta Arimaha Siyaasada ee AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ku  soo gabagabeysay tababar aqoon kororsi ah ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado doorka odayaasha dhaqanka ee dhinaca tayeynta xirfadaha iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhex jira bulshadooda.

Tababarkaan oo socday muddo afar maalmood ah Waxaa sidoo kale uu la xiriiray maaraynta khilaafaadka, iyadoo mudadii uu socday ay ka qeybgaleen  in ka badan 40 oday dhaqameed oo ka mid ah hoggaamiyaasha dhaqanka  Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Maamulka Qeybta Siyaasadda ee AMISOM iyo madax ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa soo qaban-qaabiyay tababarkaasi oo u suurta geliyey ka-qayb-galayaasha in ay wadaagaan khibradaha ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maaraynta bulshada.