Xildhibaan Mahad Salaad “Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen iska dhig adigu haku gubanine..”

Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka fal-celiyey hadalkii maanta ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxuuna u soo jeediyey inaysan soo adeegsday madaxweyne Farmaajo iyo agaasime Fahad.

“Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko ha lagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Cumar Filish oo maanta ka hadlay kulan lagu taageerayay Farmaajo ayaa yiri, “Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu gudoomiyaha gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa? mise duurkaan ka imid. Kuma dhici karaan inay qash-qashaadaan xasiloonida aan wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayey u muujinayaan inay u shaqeeyaan, xaqiiqadu waa sidaas, hadii ay isku dayaan inay qalalaase abuuraan Alle ayaa inoo sheegay talaabta aan ka qaadi doono.”

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansan tahay biilkeeda iska bixi.”