Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Wadatashiga Midowga Musharaxiinta .

MUQDISHO:-Shirka Wadatashiga Midowga Musharaxiinta ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho kadib muddo lix maalmood oo xiriir ah oo uu shirkan socday.

Shirka Midowga Musharaaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob.

Qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedka ayaa sheegay in ay musharaxiintu dalbanayaan in la kala diro Guddiga Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada sidoo kale musharaxiinta ayaa dalbay soo xulidda guddiga doorashooyinka Xildhibaanada Gobolada Waqooyi loo daayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Madaxda Xukuumadda Federaalka ayaa loogu baaqay in ay soo dhisaan Guddi Doorasho oo dhex u noqon kara dhammaan musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Qodobka 18-aad ee Warmurtiyeedka Shirka oo sheegay in hadii xukuumadda dhageysan weyday dalabka mucaaradka ay musharaxiintu qaban doonaan doorasho gaar ah ayaa ka dhigan bambo siyaasadeed oo ay suurtagal tahay xilli walba in ay qaraxdo.

Shirkan ayaa intii uu socday ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Urrurada Bulshada rayidka, Ganacsatada Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed, Madaxda Warbaahinta, iyo Wakiilada Beesha Caalamka. Haddaba lifaaqa hoose ka akhriso Warmurtiyeedka Shirka.