Sarkaal CIA-da Maraykanka oo lagu dilay gudaha Soomaaliya .

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray hawlgal uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, sida ay tebiyeen warbaahinta CNN iyo New York Times.

Warbaahinta oo soo xigatay mas’uul hore oo warkaas xogtiisa haya ayaa sheegtay in aan weli la shaacin magaca sarkaalka, balse uu ka tirsanaan jiray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Navy SEAL.

Lama sheegin goobta uu ka dhacay weerarka uu ku dhaawacmay sarkaalkaas geeriyooday, balse warbaahinta u janjeerta Al-Shabaab ayaa tilmaantay inay u badan tahay inuu yahay weerar ay todobaadkii hore ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku beegsadeen deegaan ka tirsan Shabeellaha hoose.

CIA-da ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaas.

Dhimashada sarkaalkan ayaa horseedi doonta in xiddig lagu daro derbi ku dhexyaal xarunta hay’addaas sirdoonka ah ku leedahay Langley gobolka Virginia, halkaas oo lagu maamuuso askarta laga dilo. Illaa iyo hadda, waxaa derbigaas ku dhegan 135 xiddig.

Geerida sarkaalkan ayaa ku soo beegmaysa xilli bartamihii bishii hore uu wargeyska Bloomberg sheegay in Madaxweyne Trump uu wado qorshe uu ciidamada Maraykanka uga saarayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ka falceliyay warbixintaas ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay muhiim u yihiin dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab.

Horraantii bishii June ee 2018, askari Maraykan ah ayaa lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay askar kale oo Maraykan iyo Soomaali isugu jira.

Tan iyo markii uu xukunka Maraykanka la wareegay Trump, waxaa batay weerarrada ay ciidamadiisa ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo adeegsado diyaaradaha Drones-ka.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty international ayaa sheegtay in qaar kamid ah weerarradaas lagu laayay dad rayid ah oo aan xiriir la lahayn Al-Shabaab.