Abiy Ahmed oo gurmad weydiistay Jaalle Farmaajo & Beesha Dir


(JIGJIGA): Waxaa Jabuuti & Muqdisho isu maray wafdi Ethiopian ah oo uu hoggaaminay Gedu Andargachaw oo ah la taliyaha Abiy Ahmed, ujeedka safarkiisa ayaa ahaa in loo soo gurmado Ethiopia.
Haddaba maxaa ku qasbay Abiy Ahmed inuu gurmad weydiisto Jaalle Farmaajo & Dir?

Abiy Ahmed ayaa 4tii November 2020 guluf dagaal ku qaaday gobolka Tigray oo ay ka qeyb qaateen ciidamada qaranka Ethiopia oo ay wehliyaan Ciidamada Liyuuga Oromada, Cafarta & Soomaalida waxeyna ka dagaal galeen Xadka Cafarta & Tigray; haddaba Ciidamadii Liyuuga xoogooda waxey ku biireen Saraakiishooda TPLF, taasoo dhabarjab ku noqotay Abiy Ahmed.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa durbaddii ka howl-galay deegaanka Siti isagoo kaashanaya Axmed Shide & Aadan Faarax waxaana si xowli ah uga socda ururinta maleeshiyaad Beeleed Ciise & Gurgure.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la soo xiriiray Muuse Biixi wuxuuna ku wargeliyey farriintii Abiy Ahmed ee gurmadka Beesha Dir, Muuse Biixi wuxuu bilaabay ururinta Maleshyaadkii SNM; wuxuuna u xilsaaray Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hadda jooga xaruntii SNM ee Gashaamo.

Jaalle Farmaajo ayaa wafdiga Ethiopia ku wareejiyey Maleeshiyaad Beeleedkii tababarka u joogay Eritrea kuwaasoo ka koobnaa Beelaha : Marriixaan, Dhulbahante, Leylkase, Awrtable, Aw-xasan Kalweyn, Warsangeli-Dubbeys.
Waxaana qorshaha lagu heshiiyey ka mid ah in laga furo Degmooyinka : Buhoodle, Goldogob & Caabud-waaq xeryo lagu ururinaayo Maleeshiyo Beeleedkaas, waxaana dhowaan soo gaari doona aagagaas gaadiidkii daabuli lahaa Maleeshiyaadkaas.

Waxaa Jabuuti & Hargeysa ka bilowday oo si xowli ah uga socda taakulo dhaqaale oo qaddarkeedu lagu sheegay 50,000,000 (konton Milyan) US Dollar.

Muqdisha waxaa iyadana ka socota oo heer gebogebo ah mareeysa gurmad dhaqaale oo qaddeerkeeda lagu sheegay 50,000,000 (konton Milyan) US Dollar,waxaana guddiga gurmadka madax ka ah Ambassador Jamaaludiin Mustafa Omar safiirka Ethiopia u jooga Muqdisho.

Bal aynu eegno gurmadka Jaalle Farmaajo & Beesha Dir ee Abiy Ahmed halka u ku biyo shubto.

Canjeex