Waa dhacdo aad u xunuun badan 7 gaari ishiid ah oo lagu gubay agagaarka Xudur

Waa dhacdo aad u xunuun badan oo kicineysa dareenka qof kasta oo leh damiir bani’aadannimo, Sawirada hoos ka muuqda waa gawaari ganacsi oo tiradooda leygu sheegay ilaa 7, kuwaas oo xalay la gubay iyagoo kusii jeedaa dagmada Xudur ee goblaka #Bakool kana yimid dhanka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Badbaadada hantidii saarneyd iyo gawaaridiiba dadkii loogaga baahnaa in ay wax ka qabtaan waxey ku mashquulsan yihiin sidii ay u heli lahaayeen mansab iyo maal, taas oo mool galisay rajadii shacabka.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay geysteen kooxda balwadda u leh dhibaateynta bulshada ee Al-shabaab kuwaas oo in muddo ah cunaqabateen ku hayay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Bakool iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Si ay bulshadu arrinkan uga falcsliso oo ay go’aanka ugu haboon kaga qaadato waxaa muhim ah in aan dib u milicsano qiso yar oo dhacdadani i xusuusisay, hadda ka hor xilligii Xajaaj Ibnu Yuusuf ayaa waxaa dhacday in nin ma oran jiray Cabdiraxman Ibnul Ashcath uu ku baxay maamulkii Xajaaj ee hoostagayay boqotooyadii Umawiyiinta oo uu xilligaas talada u hayay Cabdulmalik Ibnu Marwan.

Hardan iyo dagaalo dhowr ah ka dib waxaa laga adkaaday raggi Ibnul Ashcath dagaalki loogu magacdaray “Deyrul Jamaajim” inta u dhaxeysa magaalooyinka Basrah iyo Kuufah, jab haddi uu qolo ku dhaco waxaa caadi ah in inta nool ay qolana firxadaan qolana dhuuntaan qeyb kalana isdhiibto, waxaan ka hadlayaa qeynta aan qisadan u soo qaatay darteed ee ah kuwa dhuuntay, ka dib jabkii gaaray kooxdii Ibnul Ashcath. Askar ka tirsaneyd kooxdi laga adkaaday ee Ashcath ayaa ku dhuuntay magaalooyinkii uu Xajaaj gacanta ku hayay.

Dulucda qisada: muddo dheer ka dib ayaa waxaa isusoo dhiibay ciidankii Xajaaj askari ka tirsanaa ciidankii jabay ee Ibnul Ashcath, kaas oo la horgeeyay Xajaaj oo wareysi kula dhaqaaqay durbadiiba, weydiimihii Xajaaj waxaa ka mid ahaa maxaa kugu kalifay in aad isasoo dhiibtid?! Askarigi ayaa ku jawaabay dhowrkii bilood ee aan dhuumaaleysiga ku jiray habeen kasta waxaan ku riyoonayay adigoo i dilaayo, marka waan macaaday oo waxaan go’aansaday intii aan habeen kasta dhiman lahaa in aan halmar dhinto!!!

Ujeedka qormada: waxaa bulshada iyo dhammaan ummadda Somaliyeed la gudboon in ay halmar dhiiradaan oo aaney maalinkasta dhiman. Waxaa laga yaabaa in waxa laga baqaayo ay tahay un Ushii Nabi Suleymaan CS oo kale.

Hassan Mutawakil