Soomaaliya oo Suudaan la Wadaagtay Waaya-aragnimadeeda Deyn Cafinta.

MUQDISHO:-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay dhiggeeda Suudaan ka caawinayso dhabbaha caalamiga ee shuruudaha deyn cafinta ee ay Soomaaliya soo martay.

Wasiirka oo kulan hannaanka fogaan aragga ah kula yeeshay saraakiisha maaliyadda Suudaan ayaa la wadaagay khibradda deyn cafinta iyo shuruudaha IMF-ta ee arrinkaasi ku xeeran.

Beyle ayaa sheegay in Soomaaaliya ay sharaf u tahay in dalka Suudaan ay ka caawiyaan sharuudaha loo maro nidaamka deyn cafinta, Sida ku cad qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii deyn Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP.

“Sharaf ayey inoo tahay in aan uga faa’ideyno khibradeena deyn cafinta Dowladda Suudaan oo hada dib u bilaabaysa shuruudihii IMF ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay,  Sida ku cad qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii deyn cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP, ayaa galabta waxaa inoo suuro galay in aan Online kula shirno madaxda Maaliyadda Suudaan” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in dib u habeynta maaliyadda dalka ay aheyd safar adag oo lasoo maray, isaggoo xusay in ay ka go’an tahay in lasii labo jibaaro dadaalka dawladda Soomaaliya ay ku haggaajineyso hanaanka maaliyadda.