Maxay tahay sababta uu madaxweynaha Kenya isaga uu xiray boggiisa Twitter-ka?

Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa iska xiray boggiisa Twitter-ka kaddib markii uu kala kulmay aflagaadeyn.

Mr Kenyatta wuxuu sheegay in uu ka carooday aflagaadeynta uu kala kulmay Twitter-ka taasina ay u horseeday hurddo la’aan.

“Waxaa ii dhaantaa aniga oo la shekeysta qoyskeyga oo aan helo hurddo fiicaan si aan xilli hore usoo kaco” ayuu yiri madaxweynaha.

Bogga Twitter-ka madaxweynaha Kenya waxaa ku xirnaa in ka badan 3 malyan oo qof, haatan waa la xiray boggaas, waxaana lagu wareejiyay Aqalka Madaxtooyda.

Kooxda warfaafinta u qaabilsan madaxweynaha ma aysan shaacin sababta uu madaxweynaha isaga xiray boggiisa.