Madaxwaynihii hore ee Niger oo geeriyooday

Dowaladda Niger ayaa shaacisay in madaxweynihii hore ee dalkaas Tanga Mamadou oo ahaa 82 jir geeriyoday.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalkaas ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda isagoo ka xun wuxuu idinla socodsiinayaa geerida Mudane Tanga Mamadou, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Niger”.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalka Niger geli doono seddex maalin oo baroor diiq ah.

Tanga Mamadou ayaa xukumayay dalka Niger sanadihii 1999 ilaa 2010.