Buula Barde, Balad Agoon ah!!!.

Hore ayaan wax uga qoray Taariikhda Buula Barde in kasta oo aanan Habeen ku hoyan, haddana..
Waa Balad ku yaal bartamaha Dalka eyna Marto waddada isku xirto Dalka, Wabi, Bar Xoolaad iyo Beera leh, lagu yaqiin Jameecooyib Diineed oo aan Qabiil lagu maamulin, Dadkuna ey wada ahaayeen Reer Buula barde ,waxaa ey leheyd Macalimiin Qur’aan oo caan ah.
Wwaxa ey u Dabaal degayeen 1964tii, Sannad guuraagii 4aad ee Xuriyadii ey u soo halgameen. ( F.S: 1-11aad) Hadda waxaa laga joogaa 56 Sanno maalintaa ey Dabaal degayeen. waqtigaa waxa ey ka mid aheyd Magaalooyinka ugu ilbaxnimada horeeyay Dalka, waxa eyna aheyd mid ka mid ah Magaalooyinka laga soo doorto Xildhibaanada ugu badan ee Heer qaran waqtigaa.
Buula Barde sida ku cad Heshiiska waa Magaala Madaxda Hirshabeelle, halka Jowhar iyo Baladweyne ey yihiin Magaalo madaxyada Hiraan iyo Shabeelaha dhexe, Laakin hadda Laguma shaqeeyo.
Buula Barde waxaa Dayacay dhalin yaradii wax ku baratay ama deegaanka u dhalatay oo Magaalooyin kale iyo Qurbaha u qaxay dibna aan ugu soo Noqon.
Dhalin yarada Sawirka kaaga muuqato Badankoodu maanta ma noolo ama waa Dad Sariir saaran oo Abkoow iyo Abooto ah. Abkoow iyo Abooto waxa ey islahaayeen kuwa aad waalidka u aheydeen ee Halkaan u dir sheegto ama Ubadkooda ayaa idiin soo duceey doono, Qulhuwalena idiin soo aqri doono. Laakin Jiilkii dhexe ee Bula Barde Qurbaheey u bateen, ubadka ey Qurbaha ku dhaleena badabkoodu Qulhuwale ma yaqaaniin.
Abkoow iyo Abooto iska dhaafa lama filayo qaarkood in Adinka oo Aabe iyo Hooyo u ah in ey Salaatul janaaso idinku tukadaan, Salaadaa oo ka mid ah 4ta waajib ee Meydku nagu leeyahay, ileeyn maba yaqaaniin Salaatul janaaso shuruudaheeda.
Buula barde Dadkeedu ilabaxnimadii waalidkood yeeyna hilmaamin, degaankana wax ha loo qabto, kuwa Hoowl ka bilaabay waa jiraan ee wax ha lala qabto.
iga raali ahaada Reer Buula bardoow haddan idinku xad gudbay xumaan igama ahan.
Akhristoow, Adiguna hadaadan Reer Buula Barde eheyn, soow Magaalo sooma dayacin, war yaan deegaanka la hilmaamin, ubadkana aan lagu dayicin Qurbaha iyo…
FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir