Waa kuma ninka hogaamin doona siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka?

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Antony Blinken, xilkaas oo ah kan ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

58-jirkan ayaa hore u soo noqday kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo kuxigeenka lataliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barrack Obama, markaas oo Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeen.

Sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba.

Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka.

Markii uu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu shaaciyay in Mr Blinken uu hogaamin doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Blinken waxa uu farriin soo dhigay bartiisa Twitterka.

Waxa uu u mahadceliyay saaxiibada iyo dadka ay shaqo wadaaagga yihiin ee farriimaha hambalyada ah u soo dirayay.

Waxa uu farriintaas ku sheegay inay sharaf u tahay inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Waxa uu intaasi ku daray in haddii jagadaas loo xaqiijiyo uu howlgalkaas si buuxdo uga soo dhalaali doono.

Waa kuma Antony Blinken?

Antony Blinken ayaa soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxa uu soo qabtay xilal sarsare oo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxa uuna madaxweynaha la doortay Joe Biden kala talinayay siyaasadda dibadda tan iyo 2002-dii.

2015-kii illaa 2017-kii, Blinken waxa uu maamulkii madaxweyne Barrack Obama u ahaa kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, halkaas oo uu Blinken gacan ka gaystay dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, dhibaatada qaxootiga ee caalamka iyo arrimo kale.

Mudadaas ka hor Blinken waxa uu caawiye u ahaa madaxweynaha sidoo kalana waxa uu ku xigeen u ahaa lataliyaha Ammaanka Qaranka ee Madaxweyne Obama. Muddo xileedkii koobaad ee madaxweyne Obama, Blinken waxa uu lataliyaha Ammaanka Qaranka u ahaa Madaxweyne-kuxigeen Joe Biden.

Vice-President Joe Biden, Anthony Blinken, Susan Rice and John Kerry at President Obama's news conference with the Iraqi PM in 2013

Blinken waxa uu intii u dhaxaysay 2002-dii illaa 2008-dii soo noqday Agaasimaha shaqaalaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, waxa uuna ka soo mid noqday shaqaalaha Golihii Ammaanka Qaranka ee Madaxweyne Bill Clinton intii u dhaxaysay 1994-tii illaa 2001-dii.

Ka hor inta uusan lataliyaha siyaasadda dibadda u noqon ololihii Biden-Harris iyo xil la wareegiddooda, ayuu Blinken waxa uu Agaasime u soo noqday Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Wadahadalka Caalamiga ah ee Penn Biden.

Yaa kale oo la magacaabay?

A composite image of Jake Sullivan, Linda Thomas-Greenfield and Antony Blinken

Avril Haines waxaa loo magacaabay inay noqoto haweenaydii ugu horraysay ee agaasime ka noqota sirdoonka qaranka. Ms Haines waxa ay hore ku xigeen ugu soo noqotay agaasimaha CIA-da iyo lataliye ku xigeenka ammaanka qaranka.

Alejandro Mayorkas waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Latino ah oo loo magacaabo inuu noqdo Xoghayaha Ammaanka Gudaha. Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha ammaanka gudaha ee maamulkii madaxweyne Obama.

Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka.

Danjire muddo dheer soo shaqaynaysay Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa ay la soo shaqeysay xukuumaddii madaxweyne Barrack Obama, oo waxa ay soo noqotay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibaddaba ee arrimaha Afrika intii u dhaxaysay 2013-kii illaa 2017-kii.

Haddaba siduu Biden u badeli doonaa siyaasadda dibadda ee Mareykanka?

US President-elect Joe Biden speaks to reporters following an online meeting with members of the National Governors Association (NGA) executive committee in Wilmington, Delaware, U.S., November 19, 2020.

Dunidu siday la tahay guusha Joe Biden waa in ay noqotaa mid habdhaqankii doorka Maraykanka iyo danihiisa ilaalinaysay ee ku salaysnayd hay’ada caalamiga ah ee la aasaasay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ka dib kuna salaysan qiyamka dimuqraadiga ah ee reer Galbeedku wadaago.

Waxaa mid isxulufaysi dunida ah ku dhisan oo Maraykanku hogaan u yahay qaramada xorta ah ka hor tagga halista dunida soo food saartay. Maxaa hadaba is bedeli doona marka Biden xilka qabto? Dhawr arimoo ayaa muuqda – sida uu u waajahayo xulufada, isbedelka cimilada iyo Bariga Dhexe

LA DHAQANKA XULUFADA

Madaxweyne Trump wuxuu amaanay keli teliyeyaasha oo wuxu caayey xulufada. Joe Biden waxa halka hore kaga jira liiska wax qabadkiisa in uu hagaajiyo xidhiidhadaa xumaaday, gaar ahaan NATO iyo in dib loogu noqdo iskaashiga dunida.

Maamulka Biden waxa kale oo uu ku noqon doonaa Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaanu isku dayi doonaa inuu hogaanka u qabto dagaalka dunidu kula jirto fayraska korona.

Waxa la filayaa in Joe Biden hay'adaha dunida xidhiidh la samayn doono

Ololaha Trump wuxuu arimahan u dhigay dib u hagajain loogu gurmanayo sumcadda Maraykanka ee dhaawacantay iyo in uu dimuqraadiyiinta ka hor keeno waxa uu u arkayey mawjada keli talisnimada ah ee soo kordhayay.

Laakiin waxa dhici karta in ay muuqa uun tahay ee aanay nuxur ka ahayn, Danielle Pletka oo ka tirsan mac-hadka muxaafidka ah ee American Enterprise Institue ayaa isdaa qabta. Waxay ku dooday in maamulka Trump guulo badan ka soo hooyey dunida isaga oo suxul kulul adeegsanaya.

“Ma saaxiibo ayaynu weynayay aynu la damaashaadno? Sharad ma ku gelaysaa” ayay tidhi. ” Qofna ma doonayo in uu fagaare la soo joogsado Donald Trump. Ma awood baynu weynay iyo saamayn aynu kasbanayn 70 sano ee u dambeeyey? Maya”.

ISBEDELKA CIMILADA

Marka nuxurka laga hadlo, Joe Biden wuxu sheegay inuu ka dhigi doono la dagaalanka isbedelka cimilada mudnaan iyo inuu ku noqon doono heshiiksa Paris Climate Agreement oo ka mid ah heshiisyada caalamiga ah ee Donald Trump ka baxay.

.

Arintan labad anin waxay kala kala joogaan labada daraf. Trump wuxuu u arkaa wax ka qabashada kulka dunida inay halis ku tahay dhaqaalaha. Wuxuu dhiiri geliyey shidaalka la qodo waxaanu meesha ka saaray xeerarka ilaalinta deegaanka iyo cimilada.

Mr Biden wuxuu dhiiri gleinayaa qorshe himilo leh oo 2 tiriliyan oo doolar ku baxayso oo lagu yaraynayo qiiqa warshadaha. Wuxuu sheegay in uu sidan u yeelayo si uu u dhiso dhaqaale tamar nadiifka ku taagan oo abuura malaayiin shaqo.

IIRAAN

Joe Biden wuxu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro heshiisyada kale ee caalamiga ah ee Madaxweyne Trump ka baxay- heshiiskii Iran cunoqabataynta ka debciyey ee iyaduna ay ku yaraynaysay barnaamijkeeda nukliyeerka.

Maamulka Trump wuxuu heshiiskaa ka baxay 2018 isaga oo sheegay in heshiiska xakamaynta hubku uu ahaa mid aad u kooban oo aan ka hortagayn halista Iran ka soo fool leh iyo sidoo kale inuu diciif yahay qodobada xakamaynaya hawlaha nukliyeerka oo wakhti go’an lahaa.

Wuxuu cunoqabaytayntii dib ugu soo rogay oo culays dhaqaale saaray, dhawaanna waxa uu liiska madow ku daray dhamaan laamaha maaliyadeed ee Iran. Iran oo arintaa ka jawaabaysayna waxay joojisay in ay u hogaansantayo heshiiskaa.

Biden wuxuu sheegay in siyaasadan “cadaadiska weyn” fashilantay waxaanu ku adkaystay in ay keentay in xiisaddo sii korodho , in xulufadii diidaan in Iran imika ay u dhawdahay inay hub nulkiyeer ah yeelato marka la barbar dhigo intaan Trump xilka qaban

Wuxuu sheegay in uu ku biiri doono heshiiskaa hadii Iran u hogaansanto laakiin aanu cunoqabataynta ka qaadi doonin ilaa inta ay sidaa yeelayso. Mr Biden waxa uu bilaabi doonaa wada xaajood walaacaa wax lagaga qabto.

YEMEN

Mr Biden waxa kale oo uu joojin doonaa Taageerada Maraykanku siiyo dagaalka xulafada Sucuudig ka wado Yemen. Tirada dhimashada rayidka ah ee badan ayaa mucaaradad xoog leh u abuurta ka qayb galka Maryakanka oo ka timid garabka bidix ee xisbiga iyo sidoo kale sharci sameeyeyaasha Congress-ka.

Sucuudigu waa dal ay xulufo isku dhaw yihiin Maraykanka

Sucuudigu waa dalka Carbeed ee xulufada isugu dhaw ay yihiin Madaxweyne Trump, waxaanu tiir u yahay xulufada Iran lidka ku ah. Dadka siyaasadda lafa gura waxay u arkaan in Biden dib uga guran doon isku marankii boqortooyadaa Khaliijka.

“Waxaan u malaynayaa in Bariga Dhexe bad dhan oo isbedel ahi ka dhici doonto” ayay tidhi Ms Pletka, “siyaasad u janjeedha Iran oo aan aad Sucuudiga ula hayn xaqiiqdii”.

COLAADDA CARABTA IYO ISRAA’IIL

Joe Biden wuxuu soo dhaweeyey heshiiska Madaxweyne Trump dhex dhigay Israel iyo Imaaraadka. Sida Dimuqraadi ruug cadaa ah, Mr Biden waa nin aad u taageera oo muddo dheer difaacayey Israel. Erayga dhul haysasho kuma jiro siyaasadda arimaha dibada ee xisbiga.

Laakiin waxa laga yaabaan in aanu qaadan siyaasadihii maamulka Trump ee ku aadana Daanta Galbeed ee la haysto.

Wax aka mid ah kuwaas in degsiimooyinka Israle lagu sheego in aanay xad gudub ku ahayn sharciga caalamaga ah iyo in iska caabinti -hadii aanay xamaasad u ahayn- Israel qorsheyaasheeda ay keligeed qaybo dhulkaas ah dhuleeda ku darsatay .

Xisbiga Dimuqraadiga garabkiisa bidix ayaa haatan dejista siyaasad arimaha dibada isbahaysi oo ka duwan sanadihii hore. Waxauu doonayaa in wax dheeraad ah laga qabto xuquuqda Falastiiniyiinta.

Gidaarka Israel ka dhistay Daanta Galbeed
Qoraalka sawirka,Gidaarka Israel ka dhistay Daanta Galbeed

Maxaa iska sidoodii ahaan doona?

Sida Madaxweyne Trump oo kale, Mr Biden wuxuu doonayaa in dagaalada ka socda Afghanistan iyo Ciraaq la soo afjaro in kasta oo uu ciidamo kooban ku dayn doono labadaa dal si ay dagaalka argagixisada uga gacan gaystaan. Sidoo kale yaran maayo miisaaniyada Pentagon-ka mana joojin doono weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in kasta oo cadaadis kaga imanaya garabka bidixda.

Marka ay timaado loolanka juquraafiyad siyaasadeed, waxa isbedel badan ah lama filayo

RUUSHKA

Xidhiidhka xaga sare is bedeli maayo. Madaxweyne Trump badanaa wuxuu u muuqday inuu diyaar u yahay inuu saamaxo habdhaqanka Vladimir Putin ee ku xadgudubka dhaqanka caalamiga ah.

Laakiin maamulka Trump wuxuu ku adkaa Ruushka oo wuxuu ku ciqaabay cunoqabatayno. Kuwaas oo laga yaabo in ay sii socdaan inta Biden madaxweynaha yahay iyada oo aan wax fariin ah oo si dhaafa laga bixinayn.

Waxa dhici karta in wax iska bedelaan xidhiidhka Maraykanka iyo Ruushka
Qoraalka sawirka,Waxa dhici karta in wax iska bedelaan xidhiidhka Maraykanka iyo Ruushka

Madaxweyne ku xigeenkan hore wuxuu si cad ugu sheegay CNN inuu rumaysan yahay in Ruushku yahay “lid”. Waxaanu balan qaaday inuu jawaab adag ka bixin doono hadii uu farogeliyo doorashada iyo sidoo kale eeda la sheegay ee ah inuu lacago ku bixiyey in askarta Maraykanka ee Afghanistan jooga la laayo, arimaas oo Trump aanu ka hadal.

Sidoo kale Mr Biden wuxuu cadeeyey in uu doonayo inuu Moscow kala shaqeeyo ilaalinta wax aka hadhay heshiisyadii xakamaynta hubka ee lagu xamaynayo saanad nukliyeerka. Madaxweyne Trump wuu ka baxay laba isaga oo Ruushka ku eedeeyey inuu khiyaameeyey oo wuxuu isku dayey inuu qaab saddexaad kula xaajoodo oo ku eeg Feeberweri. Biden wuxuu sheegay inay ka go’ntahay in heshiiskaasi sii jiro isaga oon shuruud ku xidhayn hadii la doorto.

SHIINAHA

Sannadkii 2017 Mr Trump wuxuu ka sheekeeyay sida isaga iyo Xi Jinping ay keeg shaglayd laga sameeyey u wada cuneen oo isku fahmeen. Laakiin hadana Mr Trump ayaa saaxiibtinimadiisii uu sheegayey eeka dhaxaysay madaxweynaha Shiinaha u bedelay eed ah inuu faafinayo fayraska korona. Talaabooyin adag iyo hadal dagaal qabow oo cusub ah.

Xaqiiqdii waa dhif in xisbigu isku wada raacsan yahay in Shiinaha lagu adkaado marka ay taagan tahay arimaha ganacsiga. Arintu waa taatiko.

Mr Biden wuu sii wadi doonaa siyaasadda Madaxweyne Trump eek a hortagga Shiinaha ee “habdhaqanka tacaddiga ah ee ganacsiga” laakiin isaga oo wata xulufada sidaas oo ka duwan qaabkii Trump doorbidayey ee heshiisyada ganacsi ee keli socodka ah.

Suxulka adag ee maamulka trump wuxu ku guulaystay inuu taageero caalam ah oo lagu go’doominaya tiknoolajiyada isgaadhsiinta ee Shiinaha. Waxay arintaasi qab ka tahay sii kordhinta dedaalka Maraykanka u doonayo inuu Beijin dhinacyo badan cadaadis ka saaro kuwaas oo xidhiidhkooda halkii ugu hoosaysay gaadhsiiyey mudo todobaan sano ah.

Ololahan waxa waday gorgorada Trump ee Shiinaha ku aadan- tartan istaraatiji ah ayay ku sheegeen laakiin istaraatijiyad ka loolan ah aay ku sheegeen dadka siyaasada lafa gura qaarkood. Joe Biden wuxuu si aad u dardar qabta u eegi doona meelaha ay iska kaashan karaan Shiinaha koraya.

Wuxu sheegay inuu doonayo inuu soo celiyo hogaamintii Maraykanka.

Laakiin dunidu haatan way is bedeshay afartii sano ee la soo dhaafay, iyada oo ay soo noqotay tartanka quwadaha waaweyne ee ra’yi ururintii u dambaysay muujisay sumcada Marayknka ee hoos u dhacday ee ay qabaan xulufada doonayey in Mr Biden hogaanka qabto.

Xigasho:BBCSomali