Maamulka Puntland oo u gurmaday dadkii ay saameeyeen roobabkii ka da’ay Boosaaso.

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa Ka daad gureeyay qoysas barakacayaal ah Kamamkii ay daganayeen kadib markii ay soo galeen daadad xoogan oo uu sababay roob xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay gudaha Magaalada Boosaaso waxaana la dajiyey goobo ku meel gaar ah oo uu maamulka Gobalka bari u diyaariyey.

Roob xoog leh oo ilaa shalay Bosaaso ka dayey ayaa saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah oo Barakacayaashu ka mid yihiin iyadoona Maamulka Dagmada Boosaaso Xaqiijiyeen in 12kun oo qoysi ku guryo beeleen roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari.

waxaa isa soo taraya qasaaraha kala duwan ee ka dhashay Duufaanta GATI oo ku dhufatay xeebaha waqooyi bari Soomaaliya.