Shir ku saabsan Nafaqada oo ka furmay Muqdisho-Sawirro.

Muqdishu:-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya qeybteeda mashruuca nafaqada ayaa waxa uu shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah mid looga hadlayo dib u eegista iyo qorsheynta qorshaha sannadka 2020/2021 ayaa socon doona muddo saddex cisho ah,waxaana kasoo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.