Ra’iisul Wasaaraha oo la shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goblleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya+Sawirro

Baydhabo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa xusay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay isku xirka hay’adaha iyo wada-shaqeynta dhexdooda, isagoo ku dhiirigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga dowladnimo dhisidda.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeedinayay kulan uu la yeeshay Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha KG Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.