Wiilka Curadka Madaxweyne Trump oo Laga Helay Xanuunka COVID-19.

WASHINGTON:–Donald Trump Jr, oo ah curadka madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ee dalka Maraykan Donald Trump ayaa laga helay xanuunka COVID-19.

Don Jr oo 42 jir ayaa la sheegay in baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu xanuunka qabo sidaa awgeedna uu si iskiis ah isu karantiilay.

Bahda caafimaadka ee qoyska madaxtooyada ayaa sheegay in wiilka madaxweynaha aanay ka muuqanin wax astaamo ah oo muujinaya xanuunka si wanaagsanna uu ugu hoggaansamay talooyinka howlwadeennada caafimaadka.

Don Jr ayaa noqonaya wiilkii labaad ee uu dhalay madaxweyne Trump oo uu haleelay xanuunka COVID-19 iyada oo uu kal hore haleelay Barron Trump oo 14 jir ah kana bogsaday sidoo kalena xaaska Don Jr ayuu xanuunka ku dhacay bishii July.

Billowgii bishii Oktoobar ayay ahayd markii muddo saddex habeen ah uu madaxweyne Trump ku hoyday isbitaalka kaddib markii laga helay xanuunka sidoo kalena marwada kowaad ayaa iyaduna isla xilligaas uu ku dhacay Corona.