Shir maanta magaalada Muqdisho uga furmaya musharaxiinta mucaaradka ah.

Muqdisho:-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo musharaxiinta mucaaradka ah ee sanadkan u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiintaan ayaa badankood maalmihii u dambeeyey soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ka kala yimaadeen dalalka caalamka, siiba dalka Kenya.

Inta badan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad u diidan hanaanka ay xukuumadda Farmaajo u wajaheyso arrimaha doorashada.

Xalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulamo dhex maray siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan kuwa isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamadaas xogaha aan ka helnay waxay sheegayaan in mas’uuliyiintu uga arrinsanayeen shirka maanta oo Sabti ah Muqdisho uga furmaya.