Koob Lagu soo Gabagabeeyey magaalada Cape Town ee Dalka K/Afrika.

Waxaa xalay Garoonka Somfit Academy oo ku yaalla Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town kusoo dhamaaday Somali Fitness League oo ay Finalka Ciyaarta foodda isku dareen Saahibaan FC VS TikTok FC.


Ciyaarta oo xamaasad badneyd, ayaa Xidigaha Saahibaan FC 6-0 ku garaaceen TikTok FC.
Dadka Ciyaaraha xiiseeya, gaar ahaan Dhallinyarada Sportiga, ayaa aad ugu amaanay Maamule Jabir Amin Ali oo ah Maskaxdii ka dambaysay isku keenidda dhallinyaro da’yar oo Ciyaaraha jecel, hirgalinta Somfit Academy, iyagoo ku dhiirigaliyey inuu dadaalkiisa horumarinta Sport-ga uu sii laba-jibaaro.

Somfit League 2 Cape Town, ayaa bilaaban doona December 1 2020, waxaana ka qeybgali doona 32 Naadi oo Home & Away ah.

Abdulrazak IndhaJaceyl