Sahankii Silica.=Faallo=

Subaxdii markii aan ka soo baxay Guriga aan kirada ku deganahay ee Degmada wadajir , dhinaca Suuqa weyn, si aan ku tago Degmada Xamar weyne, waxa ey igu qaadatay hal saac iyo bar.

Wadadii dhinaca Airport ka Sannada hore ayaa Ciidan xirtay, Luuqii Buula xuubeey dhagaxaa lagu xiray, Wadadii kaliya ee Dhinaca Zobe Roobaa xiray, Tii Isbitaalka Policeka Ciidan iyo Roob, waxaan ka soo wareegay Waddada dhinaca Jaamacadda Xaruntii Gaheyr oo Roob iyo Rafaad Ciidan lagu marayo, dhinaca Afgoi ayaan ka soo galay Seey Biyaano.

Galabtii waqtigii Noqoshada, ayaan Anniga iyo Saaxiibkkey Bajaajlihii go’aansanay in aan dhinaca Zobe iska tijaabino, si aanan ugu dhicin Godkii biyuhu noo qariyeen Habeen hore.

Laba Saac markii aan Taagneyn wadada dhaxdeeda oo Jaam aheyd, ayaan Go’aansaday in aan Xoogaa sii lugeeyo si aan Salaadda Casir iiga tagin,oo aan ku Sii tukado Masjid ii dhawaa, Bajaajkana aan hore ku sii sugo. Masjidka waxaa loo sii maraa Buundo “Bridge” ey xaafaddu sameeysatay si ey Masjidka ugu tagaan, xaafadduna isga gudubto taa oo Dad iyo Duunyaba ey isticmaalaan ( F.S: 1-5aad).

Wiil yar ayaa igu yiri: Adeer Buudada waa Lacag maxaad u sawiree, Haddana waxa uu igu yiri: waan kugu Ciyaarayay, ee Waxaa la yiraa ” Buundada Finish”. waxaan gaaray Masjidkii si aan Casirka ugu Tukado, waxaan la yabay markii aan arkay in ey khasab tahay in aad Masjidka soo dhax marto si aad dhinaca kale ee Xaafdda ugu gudubto xataa haddii aadan tukaneeyn.

Dhinaca kale ayaan u soo gudbay weliba iyada oo ey khasab tahay in Darbi yar aad ka boodo, ama aad Kabaha la baxdo si aad dhiiqada u dhax marto. waxaan soo gaaray Buundo kale oo la yiraa “Buundo yareey”, oo lululaneeyso, haddii biyuhu bataana wada aasmeeyso. ( F.S: 6-8aad).

Waxaan ka naxsanaa dhibaatada Shacabka wadajir heysato, waxaan arkayay, Bajaaj lagu jiidayo Bas, Mid dhiiqo ku aasmay, Mid ku dhax dantay Biyihii, Kuwo aan heeysan waddo ey ku kala leexdaan. ( F.S: 9-14aad)

Markii aan ka soo gudbay waxaa iga daba timid Bajaajtii aan la socday, waxaa na joojiyay, Ciidanka Munashiibiyo ee Dowlada hoose oo na weeydiiyay Cashuurtii Dowlada hoose.

Shacab silic iyo Saxariir loo sahmiyay, Madaxdii u dhaaratayna ey Bullet Proof ku socoto, Hotelkana Ciyaaraha Kubadda ku daawadaan.kharajkuna waa Jeebka Masaakiinta.

FG: Dhacdadaani, waa xaqiiq aan u soo joogay qof ahaan Shalay galab. Qofkii iga beensanayoow, Glabtaba soo arag.

Reer Wadajiroow aan is warsano.koleeyba xaafado naga daran Magaalada waa ka jiraane.
Qore : Yahya Amir