Musharixiin dhowr ah oo maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ku maqan safar dibada ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirar ay ku yeelan doonaan Muqdisho Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Golle ay ku mideysan yihiin.

Musharixiinta la filayo inay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyo Daahir Maxmauud Geelle Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka ay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacowday, sidoo kale waxay sameyn doonaan qorshayaal barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada Soomaaliya.