Haddii aad Madax ka dhigato Qurba joog Bidaar leh, shaqada u horeeyso oo laguu qabanayo waa tima talaal=Nasashada Jimcaha.Q- 227.=

1. Oday ayaa waxaa Gabadhiisa soo doontay Wiil Ciyaalka Xaafadda ah, laakin weli kuma mehrin, Odaygii ayaa Habeenkii Farmashiye ku arkay Wiilkii oo “Condon” Cinjir Gadanayo, Markii uu Guriga tagay ayuu waayay Gabadhii, Iridda ayaa Allarm ku xiray ( F.S: 1aad) waxa uu si hoose u yiri: Ciyaartii miyeey Bilaawday Garoonka ka hor (F.S: 2aad) Saacad dambe ayeey timid. Markii uu weeydiiyay saacadaan intee ka timid waad soo daahdaye, ayeey ku tiri: Aabe, saan igu qaado nooh.
( Mucaaradku waa soo daaheen, saan ku qaata nooh)
2. Haweeneey ayaa Odaygeedii ku tiri: markii aan ku shukaansanayay haddaan ogaan lahaa in aad sidaan faqri u tahay, Siyaasaddana aad uga aradan tahay kuma guursaneed.
Odaygii ayaa ku yiri: Anigaa miyaa been kuu sheegay, soow taan kugu iri: Aduunyada wax aan weheshanayo Adigaa ka jiro, wax kale oo i mashquulinayo ma jiraan .
(Nin Masuul ah ayaa lagu yiri: Shalay Shacabka Shiikh iyo Shaab maxaad beenta noogu sheegtay?.waxa uu yiri: Been idiinma sheegin, soow taan idin iri:……. Hadda waa la i fahmay miyaa?. Maanta wixii ka dambeeyo, ilmaha, Ardaasha, imaan laawayaasha, Aragti gaabka iyo inta Asaasaqaa oo kaliya ayaan u sheegayaa Beenta).
3.Baladka ma fiirisay, Aroosyada waxaa ku badan. Naago Diracooda iyo Garbasaarkoodu isku egyiihiin, Laakin Inta badan Saqiirada ey dhaleen iyo Seygoodu iskuma eko. ( F.S: 3aad)
( Baladkaan waxaa soo galay, Siyaasiyi Badankiisa iyo Passporkiisu eynan isku ekeeyn, Bishii Hore Passport kiisii ayuu bedelay, Bishii xigtayna Badankiisii, Bishaan muxuu bedeli doonaa?).
4. Haddii aad isbarataan oo aad isku shukaansato Gabar Telephonkeedu Shaashada ka jabanyahay, Shaqada ugu horeeyso ee lagaa rabo in aad qabato waa in aad Shaashada sameeyso.
( Haddii aad Madax ka dhigato Qurba joog Bidaar leh, shaqada u horeeyso oo laguu qabanayo waa tima talaal). ( F.S: 4aad).
5. Gabar, Waqtigii Abaartii Daba dheer laga soo raray Gobalka Nuqaal ayaa waxaa guursaday, Nin Kaluumeeysataa oo Reer Baraawe ah, Maalin ayeey inta ku xanaaqday ku tiri: Marka aad sidaa iila hadlee ma yaradbaad iga bixisay, Geel iyo Gamaan.
waxaa ku yiri : haa, miyaanan 3 ilama Adeertaa ah Dabaasha barin, Aabahaana Shabaag siin. ( F.S: 5aad).
( Xildhibaan Qurba joog ahaa ayaa Odayaashii Tolkiisii ku yiraahdeen: 4tii Sanno ee hore Akhyaarta iskuguma aadan yeerin, lamana hadlin. waxa uu yiri: No, that is not true, 4 mar ayaan Baadhi dhigay xataa kii New year -ka , you missed the chance, and always Odaygii Online ah Haay ayaan u qori jiray)
6. Maalintii Sabtiga ayaa Jigjiga lagu qabtay Dibadbax lagu taageerayo Abiye Axmed Dagaalka uu kula jiro Tigreega. Habeenkii Axadda ayaa Tigreegu Gantaalo ku garaaceen Garoonka Dayaaradaha Magaalada Asmara ee Eretria. Oday Reer Jigjigaa oo Akhbaarta Gantaalada Idaacadda ka maqlay ayaa Salaadda Subax kadib Makroofan soo qaatay, isaga oo leh: war Tigreega ha loo sheego, wixii Shalay Jigjigaa ka dhacay Banaan bax ma aheyn ee Roob doon ayeey ahaayeen. ( F.S: 6 & 7aad).
( Madaxweyne Maamul Gobaleed ayaa loo saaray List Xildhibaano ah, ka dibna Qabtay Banaan bax lagu taageerayo. Subaxdii ayuu Maqlay in Maamul Gobaleed kale ey Mucaarad mintit ahi isku miidaamiyeen Madaxweynihii Maamul Gobaleedka, Kadibna waxa uu yiri: Liskii Shalay, waxa uu ahaa Been Abuur nalaga faafiyay. Banaanbaxuno, Siyaaradii Sh. Cali Sheikh ayuu ahaa.
Qore: Yahya Amir