Xafiiska QM ee Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cumar Carte.

MUQDISHO:- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitterka ayaa lagu yiri bahda Qaramada Midoobay waxay dhanbaal tacsi ah u dirtay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Cumar Carte.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ka tacsiyadeyneysaa geeridii ku timid Cumar Carte Qaalib, oo dalkiisa u soo shaqeeyay sanado badan, isaga oo ah Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda” Ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay sawirada Cumar oo shir guddoominaya shirkii Golaha Ammaanka ee Addis Ababa ka dhacay sanadkii 1972-kii.

“Sawirada halkan ka muuqda, waa mar uu guddoominayey shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ugu horreeyey ee abid lagu qabto Afrika – kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa sanadkii 1972” ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.

Cumar Carte Qaalib ayaa maanta lagu aasay magaaalada Hargeysa ee caadsimadda Soomaaliland.