Shirkadda diyaaradaha Rwanda oo duulimaadyo ka bilaabeyso dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Muqdisho:-Baarlamaanka dalka Rwanda ayaa ansixiyay heshiis ay diyaarada Rwanda Air ugu duuleyso shan dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waaxda duulumaadka Rwanda ayaa sheegtay in qorshahan uu sare u qaadi doona shaqada shirkadda diyaarada oo uu habacsanaan ku keenay xanunka karoona.

Wadamada ay heshiiska la gashay dowladda Rwanda oo ay diyaaradeeda duulimaadka ka bilaabeyso ayaa kala ah Brazil, Democratic Republic of Congo, Namibia, Somalia iyo Tunisia.

Arintan ayaa balaarineysa duulimaadka Rwanda Air waxayna ka dhigeysaa 52 dal .