Haweenka Sacuudiga oo Markii Ugu Horreysay Ciyaaraya Ciyaarta Kubadda Cagta.

RIYADH:-Waxaa dalka Sacuudiga markii ugu horreysay ka billowday tartan kubadda cagta haweenka dalkaas ay ku tartamayaan xirfad kubadda ah.

Tartankan ayay ka qeygalayaan in ka badan 600 oo gabdhood oo ciyaartooy ah kuwaa oo u kala cayaaraya 24 kooxood oo ka dhisan magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Damam.

Inkastoo telefishinnada dalklaas aanay baahinin cayaaraha kubadda cagta haweenka dalkaas ee haatan billowday haddana waxa ay warbaahintu tallaabadan ku tilmaameen mid wanaagsan oo sare u qaadeysa kaalinta haweenka ee cayaaraha.

Sacuudiga oo horay ku suntanaa in uu haweenka dalkiisa cadaadis ku saaro in aanay wax lug ah ah ku yeelanin dhanka cayaaraha ayaa haatan ay ka billaabatay dabeyl furfurnaan ah oo fursado xirfadeed ay kusoo bandhigayaan gabdhaha dalkaas u dhashay.