Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Heshiis.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP.

Kulanka ayaa wuxuu ahaa mid muhiim ah, waxayna ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah helitaanka Caddaaladda ee Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda mudane Cabdulqaadir, ayaa la wadaagay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.