Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo qoraal ah ka soo saartay rabshadaha ka socda Uganda.

Muqdisho:-Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa qoraal kooban oo ay kula hadlayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ka soo saartay, baaqna u dirtay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Qoraal safaaradda kasoo baxay ayaa sidan u qornaa “Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda waxa ay mudaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Kampala, Jinja, Iganga, Mbale, Masaka Gulu and Arua ugu baaqaysaa in ay ka fogaadaan meelaha rabshaduhu ka socdaan, kuna sugnaadaan guryahooda inta xaalka ka dagayo oo mudaharaadyada rabshadaha wataa ka dhamaanayaan.