Maamulka G/Hiiraan oo ugu baaqay inay kaalin ka geystaan ka hortaga fatahaada Wabiga Beledweyne.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle uu sanad walba soo lab laabto, hayeeshee uusan jirin qorsho cad oo looga hortagayo.

Mr. Jeyte wuxuu sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato sidii markale Wabiga Shabeelle uusan fatahaad uga geysan Magaalada Beledweyne, si Bulshada Magaalada ku nool aysan u barakiciin.

Cali jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhismaha Kiliga dhagax Jabis si uu Biyaha Magaalada uga celiyo, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo uu ugu baaqay in ay kaalin ka geystaan ka hortaga fatahaada Wabiga Beledweyne.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magaalada beledweyne ayuu sheegay inaysan ku baraarugsaneyn khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhasha fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Wabiga Shabeelle ayaa sanad walba tira laba jeer ah wuxuu fatahaad ka geystaa Magaalada Beledweyne, waxaana fatahaada ka dhashay khasaaro nafeed, mid hantiyadeed iyo barakaca kumanaan qoys.