Gobolka Banaadir oo dayactiraya xarunta dhul bixinta ee dowladda hoose.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa billaabay dayactir lagu sameynaayo xarunta gaadiidka iyo dhul bixinta dowladda hoose oo ay ka muuqdaan burbur xooggan oo ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Xaruntaan oo muhiim u ah adeegyada gaadiidka iyo dhul bixinta ayaa waxaa dayactirkeeda horkacaya agaasime ku xigeenka waaxda howlaha farsamada dowladda hoose mudane Bashiir Shuumbe Shuute.

Xarunta ayaa muddadii ay burbursaneed waxaa ka baxay geedo badan, iyadoo hadda ay billaabatay jarista geedahaas iyo dayactirka xarunta si loogu adeego bulshada caasimadda.