TPLF oo Lagu Eedeeyay in Kumannaan Qof ay Ka Kaxaysteen Alamata.

ADDIS ABABA:-Ciidamada Itoobiya ayaa jabhadda Tigreega ku eedeeyay in markii lagaga adkaaday magaalada Alamata ay horay sii kaxaystay 10.000 oo qof.

Qoraal ay ciidamadu soo dhigeen barta Twitter-ka ayay ku sheegeen in falka ay maleeshiyadu kusii afduubato dadkan uu ka dhacay magaalada Alamata oo ku dhow xudduudda gobolka Tigreega uu la wadaago kan Amxaarada oo 120 km u jira caasimadda Tigray ee Mak’elle.

Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya uu sababay geerida boqollaal qof halka kumannaan kalena ay ka tallaabeen xuduudda uu gobolku la wadaago Suudaan.

4-tii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamada dowladda amar ku siiyay in ay weeraraan gobolka Tigray oo u uku tilmaamay in ay ka soo horjeedaan sharciga dalkaas.

Abiy ayaa iska diiday baaqyo nabadeed oo ay usoo jeediyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.