Taliyaha NISA oo dhiggiisa Talyaaniga kala hadlay iskaashi amni.

MUQDISHO:- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qarank Soomaaliyaa Fahad Yaasiin ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay dhigiisa dalka Taliyaaniga Janaraal Giovanni Caravelli.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitterka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta dhanka amniga ee labada hay’adood

“Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitterka.

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka, waxa uuna qeyb ka yahay barnaamijka tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub.