Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyey qasaaraha ka dhashay Qarax Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho:- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in Qaraxaasi oo ka dhacay maanta maqaayad ku dhaw dugsiga tababarrada Booliska ee Jeneraal Kaahiye uu fuliyey qof naftii halige ah ay ku dhinteen 5-qof, halka 8-ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in Boolisku ay gargaar caafimaad u fidiyeen dadka ku dhaawacmay weerarkaas argagixiso ee lagu beegsaday dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, isagoo shacabka uga tacsiyeeyey falkaasi bahalnimada ah.

Afhayeenka ayaa xusay in Boolisku ay baaritaan ku sameeyeen goobta qaraxu ka dhacay si ay u marsiiyaan nidaamka sharciga ah ee u dagsan habraacyada amniga.