Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka hadlay horumarinta Isportiga dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa manta xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS  Md. Xamsa Saciid Xamsa.

Labada masuul ayaa  ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Wasaarada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo u diyaar-garowga tartanka Isboortiga ee Gobolada Dalka .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish iyo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS  Md. Xamsa Saciid Xamsa,Waxaa kaloo ay kulankaasi kaga hadleen sidii Garoomo cusub loogu dhisi lahaa Dhalinyarada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo gobolada kale.