Guddigii Biladda Noble-ka guddoonsiiyay Abiy Axmed oo sheegay inay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda G/Tigray-ga

OSLO:- Guddigii Biladda Noble-ka guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa tilmaamay sida ay ugu walaacsan yihiin khilaafka ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya waxayna dhinacyada ku dagaallamaya gobolkaasi ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka.

Boqollaal ayaa dhimatay, kumannaan kalena waxa ay u qaxeen dalka Suudaan waxaana la sheegay in ay jiraan xasuuq ka dhacay gobolka Tigray labo todobaad uun kadib markii uu Abiy Axmed dagaal ku qaaday gobolka Tigray oo la sheegay in ay Jabhadda TPLF ay ka horyimaaddeen maamulka dowladda Federaalka Itoobiya.

“Guddiga Noble-ka ee Norway wax uu si dhow ula socdaa waxa ka dhacaya Itoobiya aad ayaana uga walaacsan nahay” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Guddiga oo aan inta badan wax faallo ah ka dhiiban ficillada dadkii hore ugu guuleystay Biladda Noble-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa biladda Noble-ka Nabadda ku guuleystay sanadkii hore kadib markii uu heshiis nabadeed oo Taariikhi ah la gaaray Eritrea oo muddo labaatan sano ku dhow uu khilaaf xuduud ku saleysan kala dhexeeyay Itoobiya.