Suuqa madow ee Nairobi oo noqday mid lagu kala iibsado carruurta la soo xaday.

Iyadoo la adeegsanayo saxafiyiin qarsoodi ah, ayuu barnaamijka baaritaanka ee BBC Africa Eye wuxuu dhexgalay shabakado sharcidarro ah, oo lagu dhex arkay carruur laga soo afduubtay hooyooyiin guryo la’aan ah, laguna iibiyay wax ka yar $300 oo dollar. Baaritaanka ayaa socday muddo sannad ah.

Sidoo kale waxaa la helay caddeyn muujineysa in cisbitaallo lagu iibiyo carruurta laga tagay, waxaa sidaa sameeya shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Mama Lucy Kibaki, ee Nairobi. Maamulka Isbitaalkaas kama aysan hadlin arrinta.

Xigasho:BBCSomali