Saraakiil cunsuriyeeyay arday Soomaali ah oo Jaamacadda Manchester shaqada ka joojisay.

LONDON:- Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa shaqada ka joojisay qaar kamid ah saraakiisha ilaalada Jaamacadda oo lagu soo eedeeyay in ay cunsuriyeeyeen wiil Soomaali ah oo jaamacadda Arday ka ahaa.


Tallaabadan ayaa timid kadib markii baraha bulshada la soo geliyay muuqaal muujinaya Sakariye Aadan oo arday sanad koowaad ka ah Jaamacadda oo ay saraakiisha ammaanka darbiga saareen iyaga oo kuleetiga ku dhagan isla markaan weydiinaya aqoonsigiisa.
Sakariye Aadan oo 19 jir ah ayaa sheegay in shaqaalaha jaamacadda ay ku eedeeyeen in looga shakiyay “inuu yahay qof daroogada ka ganacsada”.

Jaamacadda Manchester ayaa sheegtay in ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonto dhacdadan.

“Waxaan si weyn ugu walaacsanahay sawirada la soo saaray, waxaan la xiriirnay ardayga ay khuseyso arrintan, waxaan sameyneynaa baaritaan buuxa, waxaana shaqada ka joojinayay saraakiisha ammaanka inta laga helayo natiijada baaritaanka” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Jaamacadda Manchester.

Sakariye oo Jaamacadda Manchester ka dhigta kuliyadda Luqadaha ayaa sheegay in ay naxdin weyn ku ridday dhacdadan uuna seexan kari waayay tan iyo markii ay ku dhacday dhacdadan.

Wuxuu sheegay in markii aqoonsiga la weydiinayay uu ku laabanayay dhismaha uu Jaamacadda ka degan yahay isaga oo ka soo laabtay dukaan ku yaalla xaafaddaasi oo uu wax ka soo iibsanayay.

“Gacanta ayaan ku heystay kaarkeyga aqoonsiga, waxa ay isku dayeen in ay iga dafaan, waxaa xigay oo aan xusuustaa inay darbiga igu dhajiyeen” ayuu yiri Sakariye.
Sakariye ayaa sheegay in ay waalidiintiisa ka soo qaxeen Soomaaliya ayna wax walba u sameeyeen sidii uu jaamacaddan u dhigan lahaa.

“Waxaan ahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskeenna ee Jaamacad dhigta, taas laftirkeeda ayaa guul ah, balse waalidiintey haddii ay maqlaan in ay igu dhaceen dhacdooyinkan oo kale waxay iga codsan doonaan inaan dalkii dib ugu laabto” ayuu yiri Sakariye oo wareysi siinayay BBC.