Cidamada Kumaandoska Danab oo Holwgal ay sameeyeen ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad la socday,

Jowhar:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay sarkaal sare iyo Maleeshiyaad la socday oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay sheegtay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Howlagka ayaa lagu dilay Sheekh Maxamed Suleeymaan (Gacamey) oo ahaa madixii Maktabka Dacwada gobolka Shabeellada Dhexe ee Al-Shabaab iyo seddax Maleeshiyaadka Shabaab ah oo la socotay.

Dhanka kale Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla markaana ay fuliyeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa ka dhacay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellada Dhexe.