C/raxmaan C/Shakuur: “Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida waxay guddiga doorashooyinka Soomaaliya ka soo xuleen Ciidanka Nabadsugida ..”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin ay guddiga doorashooyinka Soomaaliya Ciidanka Nabadsugida ka soo xuleen si ay danahooda ugu fushadaan.

C/raxmaan Cabdi Shakuur oo la hadlay Universal TV ayaa sheegay in sidoo kale qofkii doonaya inuu noqdo Xildhibaan in la marsiinayo Xarunta taliska Hay’adda Nabadsugida taasina waa nasiib darro weyn lana aqbali doonin.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay inuu shaki ka qabo cidda uu u Shaqeynayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee doorasho aysan ku qanacsaneyn aan lagu qabaneyn Muqdisho.

“Waxaa la yaab leh in Qof walba ee doonaya xildhibaan la marsiinayo Taliska hay’adda NISA oo ay taallo lacag ay Qatar ugu talo gashay in Xildhibaannada lagu soo saaro, balse Doorasho aan lagu qanacsaneyn Muqdisho kama dhaceyso taas anaa kuu balan qaadaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Madasha Xisbiyada Qaran & inta badan Xubnaha mucaaradka ayaa ka soo horjeestay gudiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka oo ay soo Magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Maamul goboleedyada, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle &Galmudug, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Madaxtooyada Soomaaliya & Ciidamada NISA.