Xukun lagu ridday nin lagu soo eedeeyay in uu Al-Shabaab la shaqeynayey.

Baydhabo:-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60a-ad ayaa Maanta xukun ku riday shakhsi lagu soo eedeeyay la shaqeynta Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.

Eedeysanahan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Gaas, ayay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ku eedeysay in uu la Shaqeynayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelgaras.

Xeerilaalinta ayaa intaas ku dartay in eedeysane Xasan Cali Gaas lagu qabtay, isaga oo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoriga AK47 oo uu u waday Tuulada Ceel-garas oo ay maamulaan Al-Shabaab,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ayaa Eedeysane Xassan Cali ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo kamid ah kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dilal geystay.