Xarunta Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay 30-sano kadib.

Nairobi:- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda FS mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xariga ka karay dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo dhisay, kaas oo aan lagu shaqayn muddo 30-sano ah.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qayb galay safiirka Soomaaliya ee Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, safiirada 10-dal oo Nairobi xaruntoodu tahay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi oo kaalin wayn ku lahaa dhismaha safaaradda.

Maxamuud Axmed Nuur Trasan ayaa xusay in dib u dhiska guriga safaaradda ay ku baxday lacag ka badan 310-kun oo Dollar, taas oo ay dawladdu ay bixisay 200-oo kun, halka in ka badan 110-kun ay bixiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu uga mahadceliyey sida ay dadaalka ugu bixiyeen kor u qaadista magaca iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in dib u dhiska guriga safaaradda ay tahay calaamad muujinaysa dib u kabashada Soomaaliya.

“Xukuumaddu way tagaysaa, balse dhismahan waa hanti qaran oo shacabka iyo dawladnimada Soomaaliyeed u haraya, hadana waxaa socda dadaal dib loogu dhisayo safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Uganda, Zambia iyo dalal kale” ayuu yiri mudane Axmed Cawad.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo hore ugu shaqyanaysay dhisme KMG ayaa hadda ku shaqo bilaabaysa dhismaheedii asalka ahaa, waxaana wajiga 2-aad la filayaa in lagu dhiso guriga safiirka iyo martida oo dawladda iyo jaaliyaddu iska kaashanayaan.