Weerar Gantaallo loo Adeegsaday oo Lagu Qaaday Asmara.

ASMARA:-Wararka ka imanaya magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretrea ayaa sheegayaa in gantaallo laga soo riday dhanka gobolka Tigree ee dalka Itoobiya lala soo beegsaday caasimadda.

Diblomaasiyiin ku sugan Asmara ayaa sheegay in ugu yaraan saddex gantaal ay kusoo dhacday caasimadda kuwaas oo qaraxooda laga maqlay magaalada oo idil.

Laba ka mid ah gantaallada ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha ee Asmara.

Gantaallada lagu duqeeyay Asmara ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareereyso dirirta ka socota gobolka Tigreega dalka Itoobiya ee ay iskaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo jabhadda TPLF.

Weerarka lagu qaaday Asmara ma jiro wax masuuliyiin ah oo ka hadlay oo ka tirsan dhanka TPLF maadaama ay go’anyihiin khadadka taleefannada iyo kuwa internet-ka ee gobolkaas.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii jabhadda TPLF ay sheegtay in dowladda Eretrea ay la safatay ciidamada dowladda Itoobiya walow aysan jabhaddu wax caddeymo ah soo bandhigin waxaana arrinkaa beeniyay wasaaradda arrimaha dibadda Eretrea.

TPLF ayaa saacado ka hor inta uusan dhicin weerarkan ku hanjabtay in ay duqeyn doonto magaalooyinka Asmara iyo Musawa ee dalka Eretrea  haddii uu sii kululaado dagaalka ka socdo gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Ererea ayaa laba sano ka hor heshiis nabadeed la gaartay dowladda Itoobiya hase yeeshee Asmara ayaa cadawtooyo gaamurtay laabta ugu heysa hoggaanka Tigreega oo uu dagaal lagu riiqmay uu dhex maray sanadihii 1998-2000.