Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Muqdisho:-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yalmiz iyo ku xigeenkiisa Imra.

Wasiirka oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Danjiraha Turkiga uga warbixiyay dardargelinta Horumarinta ay Wasaaraddu ka waddo Waaxyaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ayaa ballanqaaday inuu dalkiisa Soomaaliya ka taageeri doono Horumarinta qeybaha Warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

“Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Dalkeenna Soomaaliya; Ambassador Mehmet Yalmiz iyo Ku xigeenkiisa Imra. Safiirku maaddaama dalkiisu horumar badan ka sameeyey dhinaca Warbaahinta wuxuu noo ballanqaaday in uu annagana nagala shaqaynayo dardar-gelinta waaxyaha Warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, isaga oo noo sheegay in usbuucyadan hadda lagu jiro waxqabad kooda la’ arki doono” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Dowladda Turkiga oo ah saaxiibka ugu dhow dowladda ayaa Soomaaliya Ka caawisa dhinacyada Dhismaha Ciidamada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.