Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay duleedka Degmada Warsheekh.

Dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saakay laba maleeshiyo beeleed wuxuu ku dhex-maray Tuulada Xawaale Odayaaal oo 25-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda wuxuu salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dagaalka Nin lagu Magacaabi jiray shariif Xaseey dhabiil, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in labada maleeshiyo beelood dagaalkooda uu si iskiis ah u joogsaday, waxaana dadka ku nool tuulada Xawaale Odayaaal ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Coloow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii looga hortegi lahaa colaad beeleedyada soo laab laabtay.

Saacadaha soo socda ayuu sheegay in Maamulka degmada Warsheekh uu Ciidamo u diri doono degaanka lagu dagaalamay si xaalada degaanka loo dejiyo loona xaliyo wixii dhacay.

Dhanka kale sanadihii la soo dhaafay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa kusoo batay Colaad beeleedyada, waxaana 8-dii Bishaan lagu dilay Hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.